Itoobiya oo la sheegay inay kumanaan askari kala baxayso dalka Soomaaliya.

Wednesday September 30, 2026 - 17:54:24
MeMO Staff
Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa qorshaynaysa in kumanaan askari oo ka tirsan ciidamadeeda ay kala baxdo dalka Soomaaliya, sida maanta oo Arbaca ah ay tebisay warbaahinta Bloomberg ee fadhigeedu yahay carriga Maraykanka.
In ka badan 3,000 oo askari oo Itoobiyaan ah ayaa la filayaa inay Soomaaliya ka bilaabaan bixitaanka maalmaha ama toddobaadyada soo socda, sida ay sheegeen dad arrintan xog-ogaal u ah oo codsaday inaan magacyadooda la shaacin.

Sida ay sheegtay Bloomberg, afhayeen u hadlay dowladda Xabshida Itoobiya ayaa gebi ahaanba ka gaabsaday ka-jawaabista su’aalo laga weydiiyay dagaallada iyo qorshaha suurtagalka ah ee ciidammada looga saarayo dalka Soomaaliya.

Ciidamadan la doonayo in laga saaro Soomaaliya ayaa Horn Frequency ay sheegtay in aysan ahayn ciidamada ku jooga magaca AUSSOM, balse ay yihiin ciidamada kale ee Itoobiyaanka ah ee iyaguna qaybta ka ah duullaanka Soomaaliya.

Ilo ku dhow arrintan ayaa Horn Frequency u sheegay in ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan gobollada Baay, Bakool iyo Hiiraan laga saari doono Soomaaliya dhawaan, isla markaana suuragal ay tahay in loo daad-gureeyo gobollada Amxaarada, Tigray-ga iyo Canfarta, halkaas oo xaaladda amni ay sii xumaanayso, iska horimaadyada militaariguna ay sii kordhayaan.

Khubaro militari oo xiriir la leh Ciidanka Itoobiya ayaa sidoo kale sheegay in Itoobiya ay qorshaynayso inay ciidamadan khibradda leh u dirto aagagga ay dagaalladu ka holcayaan ee waqooyiga Itoobiya, iyadoo la filayo in xaaladdu isku beddesho dagaallo isugu jira jabhadayn iyo kuwo toos ah, maadaama sida ay khubaradu ka dhawaajiyeen, ciidamada laga qaadayo Soomaaliya ay u tababaran yihiin labada noocba.

Bixitaanka suurto-galka ah ee ciidamada Itoobiya ayay Bloomberg sheegtay in ay ka dhalan karaan firaaq amni oo aad u weyn oo ay wajihi doonto kooxda Villa Soomaaliya, maadaama aan lagu guulaysan dagaalkii lagula jiray jihaadiyiinta Al-Shabaab.

Falanqeeyayaal dhinaca sirdoonka ah ayaa Horn Frequency u sheegay in maamulka Muqdisho uu la kulmi karo dhibaatooyin ku aaddan buuxinta farqiga amni ee ka dhalan kara bixitaanka ciidamada Itoobiya, maadaama ciidamada Villa Soomaaliya aysan ku filnayn la-wareegista mas’uuliyadda amnigooda.

Warkan ayaa soo baxay wax ka yar 20 saacadood kadib markii madaxa Villa Soomaaliya uu kasoo laabtay safar uu shalay ku tagay Addis Ababa, kaas oo sida warbaahinta maxalliga qaarkeed sheegtay la xiriiray walaaca Gurguurte ka qabo bixitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya.

Related Items

Update cookies preferences